Dowlada Turkiga oo u fasaxday Kurdiyiinta Ciraaqiga ah xadka Syria in aay galaan lana dagaalamaan Daacish

Posted: October 20, 2014 in Wararka Dunida
Tags:

War goor dhoow soo dhacay ayaa wuxuu sheegayaa in Raisul wasaaraha wadanka Turkiga uu shaaciyay in dowlada Turkiga aay u fasixi doonta xoogag ciiraqi Kurdiyiin ah inaay u talaabaan xadka suuriya si eey ula dagaalamaan xogaga jihaad doon ka ah ee Daacish ee kusugan magaalada xadka ku taal ee Kobani.

Axmad Davutoglu ma uusan faahhfaahin kabixin arintaan balse wuxuu tilmaamay inaay soocdan wada hadalo ku aadan arintaan.

Dowlada Turkiga ayaa horaan u ogolaan in Dagaalyahano Katirsan Kurdiyiinta kusugan Turkiga aaysan u Talaabi karin Suuriya si aay ula dagalamaan xoogaga la magacbaxay Dowlada Islaamka.

Dhinaca kale waxaa sii socdo isku dhacyada kasocdo Kobani ee xadka Turkiga iyo Suuriya waxaana dagaaladaan ugu dambeeyay kubarakacay kumanaan qof oo iyaga utalaabay xadka Turkiga.

Warar kaas iyo wixii kusoo kordho kala soco http://Newsday247.com

Advertisements

Comments are closed.