Archive for the ‘Wararka’ Category

Rag bistoolado ku hubeysan, ayaa waxay gaari nooca raaxada ah ay ku dhaceen deegaanka Westlands, oo dhaca duleedka Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya.

Raggaan, ayaa waxay gaariga ku joojiyeen wadada General Mathenge, iyagoo markaasi ku taagaaya bistoolado ay ku hubeysnaayeen.

Camerada qarsoon ee CCTV, ayaa qabatay muuqaalka raggii dhaca geystay, waxayna Boolisku wadaan baaritaano ku aadan gaariga la dhacay.

Ma cadda cidda ay ka tirsan yihiin kuwa dhaca gaariga geystay, waxaase loo maleynayaa in ay ka
tirsan yihiin kooxaha burcada ah ee ka qooleysata gudaha dalkaasi Kenya.

Muddooyinkaan dambe xoogag taabacsan Ururka Al Shabaab, ayaa waxay dhac gaadiidka ah ka wadeen Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.